| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Qatar oo isku raacay xoojinta iskaashiga duulista rayidka iyo maamulka hawada
Kulamadan ayaa imanaya xilli xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ay sare u qaadeen muhiimadda ay leedahay hawada Soomaaliya, taas oo beddel ammaan ah u noqotay diyaarado badan oo beddelay jidadkoodii hore
Soomaaliya iyo Qatar oo isku raacay xoojinta iskaashiga duulista rayidka iyo maamulka hawada
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, iyo dhiggiisa Qatar, Maxamed bin Faleh Al-Hajri

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macallin Xasan, ayaa wada-hadallo muhiim ah magaalada Dooxa kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Maxamed bin Faleh Al-Hajri, si kor loogu qaado iskaashiga labada waddan ee dhinaca duulista rayidka iyo maamulka hawada.

Kulankan oo dhacay Khamiistii, 29-kii Oktoobar, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta wada-shaqeynta labada hay'adood, tayeynta adeegyada hagista diyaaradaha, iyo sugidda badqabka iyo amniga gaadiidka cirka.

Sidoo kale, mas'uuliyiinta ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la is-dhaafsado khibradaha farsamo ee gacan ka geysan kara casriyeynta waaxda duulista.

Mashquulka hawada Soomaaliya iyo xasaradaha Bariga Dhexe
Tallaabadan lagu xoojinayo awoodda SCAA ayaa ku soo beegmaysa xilli uu cirka isku shareeray culeyska saaran hawada Soomaaliya.

Maadaama qalalaasaha iyo xiisadaha ka aloosan Bariga Dhexe ay keeneen in shirkado badan oo caalami ah ay leexiyaan jidadkoodii (Rerouting), hawada Soomaaliya ayaa isku beddeshay marin istaraatiiji ah oo isku xira qaaradda Afrika, Bariga Dhexe, iyo caalamka intiisa kale.

Arhintan ayaa dowladda Soomaaliya ku khasabtay inay sare u qaaddo awooddeeda hagista iyo maamulka hawada, si ay ula tacaasho is-beddellada iyo mashquulka ku kordhay isu-socodka diyaaradaha caalamiga ah, una damaanad-qaaddo marin ammaan ah oo la isku halleyn karo.

Doceeda Shirka DGCA-MID/8
Wada-hadalladan laba-geesoodka ah ayaa ka qabsoomay doceeda Shirkii 8-aad ee Agaasimayaasha Guud ee Duulista Rayidka ee Gobolka Bariga Dhexe (DGCA-MID/8) oo ay martigelisay xukuumadda Dooxa.

Intii uu shirkaasi socday, weftiga Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigay horumarka la taaban karo ee ay dowladda Soomaaliya ka samaysay dib-u-habeynta maamulka hawadeeda, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado tayada iyo badqabka hawada qaranka.