Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay Danjiraha Soomaaliya ee Masar, Cali Cabdi Awaare, iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda.
Danjire Awaare, oo sidoo kale ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay howlaha safaaradda, arrimaha Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday iskaashiga Muqdisho iyo Qaahira, oo sannadihii u dambeeyay ku fiday dhinacyo kala duwan, iyo doorka safaaradda ee matalaadda danaha Soomaaliya ee Masar iyo Jaamacadda Carabta.
Cabdiqaadir Firdhiye ayaa dhankiisa uga mahadceliyay danjiraha iyo diblomaasiyiinta safaaradda shaqada ay hayaan, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda, midnimada dalka iyo wada-shaqeynta hay'adaha dowladda.
Booqashada ayaa qayb ka ah socdaalka Firdhiye ee Masar, xilli Soomaaliya iyo Masar ay sii xoojinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

























