| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Turkiga iyo 11 dal oo si wadajir ah u cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ay ku beegsatay Suuriya
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ayey ku sheegeen in weerarradani yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Suuriya.
Turkiga iyo 11 dal oo si wadajir ah u cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ay ku beegsatay Suuriya
Saldhigga ciidamada cirka ee Abu al-Duhur kaddib duqeymihii ka dhacay Suuriya, 18-kii Agoosto 2026. Sawirka/ Reuters.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Aljeeriya, Indonesia, Urdun, Lubnaan, Malaysia, Mauritania, Pakistan, Falastiin, Qatar, Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay saldhigga ciidamada cirka ee Abu al-Duhur ee waqooyi-galbeed Suuriya.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayey wasiirradu ku sheegeen in weerarradani yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Suuriya.

Wasiirrada ayaa walaac qoto dheer ka muujiyey beegsiga iyo burburinta joogtada ah ee dhulka iyo kaabeyaasha Suuriya, iyagoo sheegay in falalka noocan ahi ay si toos ah khatar ugu yihiin dadaallada socda ee Suuriya ay ku doonayso inay dib ugu soo celiso amniga, dib ugu dhisto hay’adaha qaranka, isla markaana wax uga qabato saameynta bani’aadannimo ee ka dhalatay sannado badan oo colaado daba dheeraaday.

Wasiirradu waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqeen in xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya ay halis u yihiin inay sii kordhiyaan xiisadaha, wiiqaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana dhaawacaan ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

Waxay beesha caalamka ugu baaqeen inay qaadato mowqif adag, cad oo mabda’ ku dhisan oo looga hortagayo weerarrada joogtada ah ee ka dhanka ah Suuriya, isla markaana la qaado tallaabooyin la taaban karo oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay si loo soo afjaro xadgudubyadan.

Wasiirradu waxay sidoo kale ku baaqeen in si buuxda loo ixtiraamo Heshiiskii Kala-fogeynta Ciidamada ee 1974, ciidamada Israa’iilna laga saaro deegaannada ay qabsadeen, si looga hortago sii xumeynta xaaladda loona ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambeyn, wasiirradu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida, madax-bannaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Suuriya, iyagoo diiday iskuday kasta oo lagu wiiqayo.

XIGASHO:َAA