| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Toddoba qof oo hal qoys ah oo ku nafwaayey doon tahriibiyaal sidday oo ku degtay xeebaha Tuniisiya
Siddeed muhaajiriin Tuniisiyaan ah ayaa meydkooda la helay, lix kalena weli waa la la’yahay kaddib markii doontii ay Talyaaniga ugu sii jeedeen ay degtay. Hal qof oo keliya ayaa laga soo badbaadiyay 15-kii qof ee saarnaa.
Toddoba qof oo hal qoys ah oo ku nafwaayey doon tahriibiyaal sidday oo ku degtay xeebaha Tuniisiya
Hal qof oo keliya ayaa laga soo badbaadiyay doon ay la socdeen muhaajiriin oo ku degtay xeebaha Tunisia, halka lix qof weli la la'yahay. / Reuters

Ciidamada ilaalada xeebaha Tuniisiya ayaa soo saaray meydadka siddeed muhaajiriin Tuniisiyaan ah oo doontii ay la socdeen ku degtay xilli ay ku sii jeedeen Talyaaniga, halka baadigoobka lix qof oo kale oo weli la la’yahay uu socdo, sida uu Axaddii sheegay afhayeen u hadlay Ciidanka Qaranka.

Kooxaha ilaalada xeebaha, ciidamada milatariga iyo difaaca rayidka, oo ay taageerayaan laba diyaaradood oo helikobtar ah, ayaa sii wada baadigoobka dadka la la’yahay.

Doonta ayaa subaxnimadii Khamiista ambabaxday iyadoo ay saarnaayeen 15 qof oo u badnaa dhallinyaro, waxaana ay ku degtay xeebaha Tuniisiya. Ilaa hadda hal qof oo keliya ayaa la soo badbaadiyay, sida uu Sabtidii sheegay madaxa urur u dooda xuquuqda muhaajiriinta.

Dadka doonta saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa toddoba qof oo hal qoys ka wada tirsan iyo nin ay wehelisay xaaskiisa oo uur leh, sida uu Reuters u sheegay madaxa Kormeeraha Tuniisiya ee Xuquuqda Aadanaha.

Qofka keliya ee ka badbaaday shilka ayaa sheegay inuu badda ku dhex jiray 48 saacadood ka hor inta aysan soo badbaadin doon ganacsi.

Dhammaan muhaajiriinta ayaa ka soo jeeday deegaanka Ben Guerdane ee koonfur-bari Tuniisiya. Tobannaan dhallinyaro ah ayaa habeenkii Sabtida isugu soo baxay magaalada oo u dhow xadka Liibiya, iyagoo dalbaday in la dedejiyo howlaha baadigoobka.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha.

Marinka bartamaha badda Mediterranean-ka ee ka yimaada xeebaha Waqooyiga Afrika ayaa ka mid ah marinnada tahriibka ee ugu dhimashada badan dunida. Waxaana adeegsada muhaajiriin ka soo jeeda Afrika iyo Bariga Dhexe oo doonaya inay gaaraan Yurub, kuwaas oo inta badan raaca doomo ciriiri ah ama aan u qalmin safarrada badda.

XIGASHO:Reuters