| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Furay Shirka Horumarinta Waxbarashada
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa furay shir diiradda lagu saarayo tayeynta waxbarashada, kobcinta awoodda macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee carruurta iyo dhallinyarada.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Furay Shirka Horumarinta Waxbarashada
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Furay Shirka Horumarinta Waxbarashada / SONNA

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u furay Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta nidaamka waxbarashada, kor u qaadista tayada, kobcinta awoodda macallimiinta iyo ballaarinta helitaanka waxbarashada ee carruurta iyo dhallinyarada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada, nabadda iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan oo jiilka soo socda ah, isagoo mar kale xaqiijiyay sida Koonfur Galbeed uga go’an tahay mudnaansiinta waxbarashada iyo taageeridda dadaallada lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha.

Shirka waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada Maxamed Cismaan Jiidow, macallimiin, daneeyayaasha waxbarashada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu sii horumarinayo waxbarashada guud ahaan Koonfur Galbeed.

XIGASHO:SONNA