| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Xoojisay Iskaashiga Beeraha iyo Cimilada Intii uu Socday Shirka UNCCD COP17
Wasiiru-dowlaha Xannaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa kulamo laba geesood ah kula yeeshay mas’uuliyiin ka kala socday Mongolia iyo Yemen, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga beeraha, xoolaha, xoolo-dhaqatada iyo adkeysiga isbeddelka cimilada
Soomaaliya oo Xoojisay Iskaashiga Beeraha iyo Cimilada Intii uu Socday Shirka UNCCD COP17
Soomaaliya oo Xoojisay Iskaashiga Beeraha iyo Cimilada Intii uu Socday Shirka UNCCD COP17 / SONNA

Wasiiru-dowlaha Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleymaan Cali, ayaa kulamo laba geesood ah kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Mongolia iyo Yemen, intii uu socday shirka UNCCD COP17 ee magaalada Ulaanbaatar.

Dr. Suleymaan ayaa la kulmay Jambaltseren Tumur-Uya, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cuntada, Beeraha, Xoolaha iyo Warshadaha Fudud ee Mongolia, iyo Inj. Axmed Al-Zamaki, Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka ee Yemen.

Kulamada ayaa fursad u ahaa in laga wada hadlo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, isdhaafsiga khibradaha farsamo iyo sahaminta dhinacyada ay wadaagaan danaha ee beeraha, xoolaha, xoolo-dhaqatada iyo adkeysiga isbeddelka cimilada.

Kulamadan ayaa muujinaya dadaallada Soomaaliya ay ku ballaarinayso iskaashiga caalamiga ah, kuna horumarinayso habab u adkeysan kara isbeddelka cimilada ee dhinacyada horumarinta beeraha iyo xoolaha.