| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomay Toddobo Safiir oo Cusub
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay toddobo safiir oo cusub oo kala matalaya Aljeeriya, Brazil, Hindiya, Mali, Myanmar, Nigeria iyo Pakistan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomay Toddobo Safiir oo Cusub
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomay Toddobo Safiir oo Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee toddobo safiir oo cusub oo kala matalaya Aljeeriya, Brazil, Hindiya, Mali, Myanmar, Nigeria iyo Pakistan.

Safiirrada ayaa kala ah: Mohamed Alim oo ka socda Aljeeriya, Joao Alfredo Dos Anjos oo ka socda Brazil, Dr. Adarsh Swaika oo ka socda Hindiya, Dr. Madou Diallo oo ka socda Mali, Aung Min Oo oo ka socda Myanmar, Danlami Ibrahim oo ka socda Nigeria, iyo Aqsa Nawaz oo ka socda Pakistan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada ka dhageystay qorshayaashooda iyo mudnaanta ay siinayaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga Soomaaliya, wuxuuna ku boorriyay inay gacan ka geystaan xoojinta xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.

Safiirrada cusub ayaa Madaxweynaha gaarsiiyay farriimo ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyagoo mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA