| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Duqa Muqdisho iyo Gudomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga
Duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga ayaa ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta caasimadda.
Duqa Muqdisho iyo Gudomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga
Duqa Muqdisho iyo Gudomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga / SONNA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoygiisa kulan soo dhoweyn ah ugu sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar.

Kulanka, oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta magaalada Muqdisho, kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista fursado shaqo. Waxaa sidoo kale la adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee ganacsatadu ku leeyihiin horumarka iyo dib-u-dhiska caasimadda.

Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ku soo dhoweeyay xilkiisa, isaga oo xaqiijiyay diyaar-garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan xoojinta iskaashiga ganacsatada iyo abuurista jawi ganacsi oo horseeda koboc dhaqaale iyo horumar waara.

XIGASHO:SONNA