Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Christophoros Politis.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray tayeynta adeegyada amniga iyo booliska, taageeridda mashaariicda mudnaanta leh iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha ka jira dhinaca amniga.
Wasiir Fartaag ayaa tilmaamay in iskaashi joogto ah iyo taageero la siiyo hay’adaha amnigu ay muhiim u yihiin dhismaha awooddooda iyo hagaajinta adeegyada ay bulshada u fidiyaan. Waxa uu sidoo kale xusay in xoojinta hay’adaha amnigu ay door muhiim ah ka qaadanayso xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dalka.





















