Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khatarta Musiibooyinka Soomaaliya, kaas oo dib loogu eegay xaaladda abaarta dalka iyo walaaca laga qabo fatahaado xooggan oo dhici kara, iyadoo roobabka Deyrta la filayo inay ka bilowdaan qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga faray inay xoojiyaan wacyigelinta bulshada ee khataraha fatahaadaha, gaar ahaan bulshooyinka ku nool hareeraha webiyada iyo marin-biyoodyada, iyadoo sidoo kale la xoojinayo gurmadka degdegga ah iyo isku-dubbaridka dadaallada gargaarka.
Guddiga ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan diyaar-garowga musiibooyinka, qorshayaasha gurmadka degdegga ah iyo ololayaasha wacyigelinta bulshada ee lagu beegsanayo dadka ku nool dhulka hoose iyo deegaannada u nugul fatahaadaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale Guddiga faray inay xoojiyaan isku-dubbaridka dadaallada gurmadka bani’aadannimo, dhiirrigeliyaan taageerada deeq-bixiyeyaasha iyo ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana taageero gaarsiiyaan bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.























