| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiir Fidan oo dhiggiisa Masar iyo Sacuudiga kala hadlay qorshaha nabadda Qaza
Hakan Fidan ayaa sheegay inuu wada-hadallo kala duwan la yeeshay dhiggiisa Masar iyo Sacuudiga, iyagoo qiimeeyay caqabadaha hirgelinta qorshaha nabadda Qaza iyo tallaabooyinka ay Turkiga, Masar iyo Sacuudigu qaadi karaan.
Wasiir Fidan oo dhiggiisa Masar iyo Sacuudiga kala hadlay qorshaha nabadda Qaza
Fidan ayaa sheegay inay mar kale xaqiijiyeen taageeradooda xooggan ee dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida Falastiin. / Reuters Archive

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa wada-hadallo telefoon oo kala duwan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Faisal bin Farhan, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

“Waxaan qiimeynay dhibaatooyinka ka soo baxay hirgelinta qorshaha nabadda Qaza iyo tallaabooyinka aan qaadi karno,” ayuu Fidan sheegay Khamiistii, isagoo xusay in labada wasiir ay qayb ka ahaayeen xiriirradiisa diblomaasiyadeed ee ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Suuriya. Fidan ayaa sheegay inay mar kale xaqiijiyeen taageeradooda xooggan ee dadaallada lagu doonayo in nabad iyo xasillooni looga hirgeliyo Falastiin.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladda Marinka Hormuz iyo halka ay marayaan wada-xaajoodyada u dhexeeya dalalka ku lugta leh khilaafka.

“Annagoo ah saddex dal oo walaalo ah oo doonaya nabad iyo barwaaqo ka hanaqaadda gobolkeenna, waxaan sii wadi doonnaa xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dhammaan dhinacyada,” ayuu yiri Fidan.

Weerarrada Israa’iil oo sii xoogeysanaya

Wada-hadalladan ayaa ku soo beegmay iyadoo Turkiga, Masar iyo Qatar ay si adag u cambaareeyeen weerarradii ugu dambeeyay ee Israa’iil ka geysatay Qaza, kuwaas oo lagu dilay dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur, iyagoo ka digay in sii xoogeysiga weerarradu uu khatar gelinayo dadaallada socda ee lagu hirgelinayo xabbad-joojinta.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Khamiistii, saddexda dal oo dhexdhexaadiyeyaal ah ayaa muujiyay “walaac qoto dheer” oo ku saabsan xadgudubyada sii socda, iyagoo sheegay in sii xoogeysiga weerarrada Israa’iil uu wiiqayo dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah xilli xasaasi ah.

Waxay sheegeen inay socdaan dadaallo xooggan oo lagu hirgelinayo Qorshaha Dhammaystiran ee Lagu Soo Afjarayo Colaadda Qaza, iyagoo xusay kulan dhex maray Golaha Nabadda iyo saraakiisha Israa’iil iyo sidoo kale “tallaabooyin wax-ku-ool ah” oo laga qaaday geeddi-socodka wada-xaajoodka.

10 Falastiiniyiin ah oo kale ayaa lagu dilay Qaza, halka 25 kalena lagu dhaawacay 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo tirada dadka lagu dilay duullaanka Israa’iil ee Qaza tan iyo Oktoobar 2023 gaarsiisay 73,417 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Qaza ayaa Khamiistii sheegtay in 174,360 qof sidoo kale la dhaawacay, halka xadgudubyada Israa’iil ee heshiiska xabbad-joojinta ay dileen 1,283 Falastiiniyiin ah, 4,248 kalena ay dhaawaceen.

XIGASHO:TRT World