| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
SoDMA iyo UNDP oo Ka Wada Hadlay Gurmadka Bani’aadannimo iyo U Diyaar-garowga El Niño
SoDMA iyo UNDP ayaa ka wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, maareynta musiibooyinka iyo u diyaar-garowga saameynta la filayo ee El Niño, iyagoo adkeeyay xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka gurmadka.
SoDMA iyo UNDP oo Ka Wada Hadlay Gurmadka Bani’aadannimo iyo U Diyaar-garowga El Niño
SoDMA iyo UNDP oo Ka Wada Hadlay Gurmadka Bani’aadannimo iyo U Diyaar-garowga El Niño / SONNA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Chris Politis, iyagoo yeeshay kulan isbarasho oo diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, maareynta musiibooyinka iyo u diyaar-garowga saameynta la filayo ee El Niño.

Politis ayaa bogaadiyay dadaallada SoDMA ee lagu xoojinayo ka-hortagga iyo maareynta musiibooyinka, wuxuuna mar kale xaqiijiyay sida ay UNDP Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dadaallada gurmadka bani’aadannimo iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.

Maxamuud ayaa soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee UNDP, wuxuuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka SoDMA iyo UNDP, si taageero wanaagsan loo gaarsiiyo bulshooyinka ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo.

XIGASHO:SONNA