Wafdi ka socday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Dr. Maxamed Sheekh Axmed, ayaa ka qayb galay Kalfadhigii 20-aad ee Midowga Baarlamaannada Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (PUIC), kaas oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay Danjiraha Soomaaliya ee Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fiidoow.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kobac dhaqaale oo waara isla markaana loo dhan yahay oo ka dhex hanaqaada dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyadoo la xoojinayo iskaashiga baarlamaannada.
Isagoo khudbad ka jeediyay kulanka, Xildhibaan Dr. Maxamed Sheekh Axmed ayaa soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya gaartay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dalalka Islaamka iyadoo la ilaalinayo madaxbannaanida, xorriyadda, iyo wadajirka dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah OIC. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ururka inuu cambaareeyo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhinacyada shirka, Soomaaliya ayaa loo doortay inay xubin ka noqoto Guddiga Fulinta ee Midowga Baarlamaannada Dalalka Xubnaha ka ah OIC (PUIC), taas oo ka tarjumaysa kalsoonida sii kordheysa ee lagu qabo doorka iyo waxqabadka Soomaaliya ee ururka dhexdiisa.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa mar kale muujinaya sida ay uga go’an tahay difaaca madaxbannaanideeda, xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah OIC, iyo horumarinta iskaashiga iyo isfahamka ka dhexeeya dalalka Islaamka.





















