| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Safiirka Turkiga oo booqday Warsheekh, halkaas oo laga dhisayo xarunta hawada sare
Wafdiga ayaa kormeeray goobta rasmiga ah ee laga dhisayo xarunta, iyagoo dhanka kalena waqti la qaatay bulshada deegaanka, kalluumeysatada iyo dhallinyarada, xilli mashruucan uu Soomaaliya ka dhigayo hormuudka tiknoolajiyadda hawada sare
Safiirka Turkiga oo booqday Warsheekh, halkaas oo laga dhisayo xarunta hawada sare
Warsheekh: Degmada taariikhiga ah oo isu diyaarinaysa xarunta hawada sare, xilli Safiirka Turkigu uu kormeeray / Others

Degmada xeebeedka ah ee Warsheekh ayaa qarka u saaran inay isku beddesho xarun caalami ah oo laga diro gantaallada hawada sare, kaddib markii uu halkaas kormeer ku tagay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyo wafdi sarsare oo isugu jira mas'uuliyiin diblumaasiyadeed, milateri, iyo ganacsi.

Kormeerkan ayaa imanaya un kaddib markii uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, bogaadiyay mashruucan, isagoo ku sifeeyay "iskaashi taariikhi ah" oo kor u qaadaya awoodda hawada sare ee Turkiga, dhanka kalena albaab cusub u furaya qaaradda Afrika.

Safiirka oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, ayaa kormeeray goobta rasmiga ah ee laga fulinayo mashruuca weyn.

Wafdiga ayaa warbixin la xiriirta hannaanka dhismaha ka dhageystay Ahmet Sami İşler, oo ah Maareeyaha Guud ee Shirkadda Albayrak ee Soomaaliya, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya (DEİK).

Is-dhexgalka Bulshada Warsheekh

Si ka duwan kormeeradii rasmiga ahaa, wafdiga Turkiga ayaa ahmiyad gaar ah siiyay is-dhexgalka iyo daryeelka bulshada martigelinaysa xaruntan.

Wafdiga ayaa kormeeray isbitaal iyo iskuul dib-u-dayactir iyo taageero ka helay dowladda Turkiga, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka degmada, odayaasha deegaanka iyo ardayda.

Sida ay xaqiijisay Safaaradda Turkiga, mas'uuliyiinta ayaa tagay xeebta Warsheekh iyagoo xog-wareystay kalluumeysatada deegaanka. Dhanka kale, si uu u muujiyo isku-xirnaanta bulshada, Safiir Alkan ayaa goob fagaare ah dhallinyarada Warsheekh kala qaybgalay ciyaar kubadda cagta ah, taas oo soo jiidatay dareenka dadka deegaanka.

Soomaaliya oo noqonaysa Hormuudka Hawada Sare

Ujeeddada safarkan ayaa ahayd in mas'uuliyiintu ay si toos ah ula falgalaan shacabka ku nool degmadan oo dhowaan isku beddeli doonta il-biyoodka sayniska iyo tiknoolajiyadda.

Safiir Alkan ayaa rajo weyn geliyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo madasha ka yiri: "Mashruucan, Soomaaliya waxay noqon doontaa mid ka mid ah xarumaha hormuudka ka ah hawlaha hawada sare ee dunida."

Khubarada ayaa aaminsan in xaruntan cusubi ay weji cusub u yeelayso xiriirka Muqdisho iyo Ankara, kaas oo haatan ka gudbaya iskaashigii caadiga ahaa ee difaaca iyo amniga, una tallaabaya dhanka tiknoolajiyadda casriga ah.

Ugu dambeyn, mashruucan ayaa fursad naadir ah u abuuri doona Soomaaliya, maadaama uu jaamacadaha dalka, injineerrada soo baxaya, iyo hay'adaha dowladda u furi doono waddo ay kaga qayb-qaataan tababarrada, cilmi-baarista, iyo shaqooyinka tooska ah ee la xiriira diyaarinta iyo dirista dayax-gacmeedyada.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Turkiga oo Baarlamaanka u gudbiyay heshiis difaac wadajir ah oo uu la galay Pakistan iyo Sacuudiga
Turkiga oo soo dhoweeyay taageerada Baarlamaanka Liibiya ee heshiiskii badda ee 2019
Madaxweynaha Turkiga oo Azerbaijan ugu hambalyeeyay Maalinta Dib-u-soo-celinta Xornimada
Turkiga oo ku baaqay tallaabo caalami ah oo laga qaado xadgudubka Israa’iil ee sharciga caalamiga ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Fidan oo gaaray Baku si uu uga qaybgalo shirweynaha amniga Aasiya
Spain oo qorsheyneysa inay Turkiga ka iibsato 15 diyaaradood oo dheeraad ah oo nooca Hurjet ah
Erdogan oo cambaareeyay weerarradii Xuutiyiinta ee garoonka Riyadh, taageerana u muujiyay Sacuudiga
Turkiga oo si kulul u cambaareeyay weerarkii dhimashada sababay ee Xuutiyiintu ku qaadeen Riyadh
Erdogan iyo Putin oo ka wada hadlay ammaanka Badda Madow iyo xiriirka Ruushka iyo Ukraine
Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Turkiga
Turkiga, Sacuudiga iyo Bakistaan oo dar-dargelinaya awooddooda difaaca wadajirka ah
Turkiga oo Soomaaliya ka bilaabay dhismaha xarun hawada sare laga diro gantaallada
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qaybgalaya shirka saddex-geesoodka Isbahaysiga Difaaca Maka
Turkiga iyo Faransiiska oo kala saxiixday qorshe cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga difaaca
Turkiga iyo Georgia oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca waxbarashada ah
Trump oo muujiyay inuu taageersan yahay in Turkiga laga qaado cunaqabateynta CAATSA
Soomaaliya: Safiirka cusub ee Turkiga oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh
Erdogan oo bogaadiyay midnimada Turkiga iyo Falastiin kadib ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Konya
Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetka
Turkigu wuu sii wadi doonaa u doodidda iyo taageerada Falastiiniyiinta: Erdogan