Xukuumadda Turkiga ayaa si rasmi ah uga bilaawday dalka Soomaaliya dhismaha xarun istaraatiiji ah oo laga diro gantaallada hawada sare, sida uu Isniintii shaaciyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, isagoo tallaabadan ku sifeeyay iskaashi taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan.
Madaxweyne Erdogan, oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Shirweynaha 77-aad ee Caalamiga ah ee Hawada Sare oo lagu qabtay magaalada xeebeedka ah ee Antalya, ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu Soomaaliya u doortay mashruucan sababo la xiriira meesha ay juqraafi ahaan ku taallo.
"Markaan tixgelinno xaaladda juqraafiyeed ee Turkiga, waxaan saaxiibkeen iyo walaalkeen Soomaaliya la dhigaynaa aasaaska iskaashi taariikhi ah oo dhinaca hawada sare ah," ayuu yiri Erdogan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in mashruucu uu hadda ka gudbay wejigii qorsheynta, isla markaana uu dhismihiisu si rasmi ah u billowday.
Awood-siinta Turkiga iyo Fursadaha Afrika
Madaxweynaha Turkiga ayaa tilmaamay in xaruntan cusub ay dalkiisa ka caawin doonto inuu yeesho awood buuxda oo uu si madax-bannaan ugu tago hawada sare. Sidoo kale, waxa uu rajo ka muujiyay in mashruucan uu fursado cusub u abuuri doono qaaradda Afrika.
"Mashruucan, marka laga soo tago inaan ku horumarinno awoodda Turkiga ee gaarista hawada sare, waxaan doonaynaa inaan gacan ka geysanno horumarinta hawlaha hawada sare ee qaaradda Afrika," ayuu raaciyay.
Tallaabadan ayaa weji cusub iyo casriyeyn ku soo kordhinaysa xiriirka xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo tobankii sano ee lasoo dhaafay si weyn ugu baahay dhinacyada difaaca, amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, iyo waxbarashada.
Soomaaliya ahaan, mashruucan wuxuu u abuuri karaa fursado dhanka aqoonta iyo tiknoolajiyadda ah, isagoo albaabada u furaya jaamacadaha, injineerrada, iyo hay'adaha dalka si ay uga qayb-qaataan tababarrada iyo cilmi-baarista hawada sare.
Maxaa Soomaaliya loo doortay?
Faa'iidada ugu weyn ee Soomaaliya ayaa ah inay dhacdo dhulbaraha (Equator), isla markaana ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo ku teedsan Badweynta Hindiya.
Khubarada hawada sare ayaa aaminsan in dalalka doonaya inay dayax-gacmeedyo diraan ay faa'iido xawli ah ka helaan goobaha ku dhow dhulbaraha, taas oo yareynaysa shidaalka uu gantaalku u baahan yahay.
Dhanka kale, xeebta dheer ee Soomaaliya waxay gantaallada siinaysaa meel bannaan oo nabad ah oo ay dul maraan marka ay u kacayaan dhanka Badweynta Hindiya.
Xilli dalal badan oo Afrikaan ah ay kordhiyeen maalgashiga dayax-gacmeedyada, xaruntan cusub waxay Soomaaliya ka dhigi kartaa hormuudka qaaradda ee martigelinta kaabeyaasha hawada sare, iyadoo yareynaysa ku-tiirsanaanta xarumaha shisheeye.
Barnaamijka Qaranka ee Hawada Sare ee Turkiga
Xarunta laga dhisayo Soomaaliya ayaa ah lafdhabarta Barnaamijka Qaranka ee Hawada Sare ee Turkiga, kaas oo lagu dhawaaqay sannadkii 2021-kii, ujeeddadiisuna ay tahay in Turkigu uu ugu dambeyn gaaro Dayaxa.
"Maanta, si aad hawada sare uga dhex muuqato, kuma filna inaad samayso dayax-gacmeedyo oo keliya. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaad awood u yeelato inaad hawada sare gaarto," ayuu yiri Erdogan. Waxa uu shaaciyay in xukuumaddiisu ay dhammaystirtay samaynta iyo isku-xirka gaadiidka ay qorsheynayso inay u dirto
Dayaxa, kaas oo miisaankiisu yahay 3.5 tan, iyadoo in ka badan 80% qalabkiisa lagu farsameeyay gudaha Turkiga.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo xiray fariin caalami ah oo ah in tartanka hawada sare uusan ku koobnaan karin dalal kooban oo kaliya, balse loo baahan yahay iskaashi caalami ah oo u oggolaanaya dalal iyo dhallinyaro badan inay ka faa'iidaystaan dhaqaalaha iyo sayniska hawada sare.























