| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Ku-xigeenkii Tansaaniya oo is-casilay, Madaxweyne Samia-na ay aqbashay
Madaxtooyada Tansaaniya ayaa sidoo kale sheegtay in la guda-geli doono habraacyada dastuuriga ah ee dalka u degsan, si loo soo xusho Madaxweyne Ku-xigeen cusub oo beddela Nchimbi
Madaxweyne Ku-xigeenkii Tansaaniya oo is-casilay, Madaxweyne Samia-na ay aqbashay
Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan oo aqbashay is-casilaadda Madaxweyne Ku-xigeenkeedii / Others

Madaxweyne Ku-xigeenka Tansaaniya, Emmanuel Nchimbi, ayaa iska casilay xilka, iyadoo Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay si rasmi ah u aqbashay is-casilaaddiisa, sida ay Madaxtooyadu sheegtay Talaadadii.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada, Nchimbi ayaa warqaddiisa is-casilaadda gudbiyay 25-kii Agoosto, wuxuuna codsaday in is-casilaaddiisu ay dhaqan-gasho 4-ta Sebteembar.

Bayaanka lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Instagram-ka ee Madaxtooyada ayaa lagu yiri; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tansaaniya, Dr. Samia Suluhu Hassan, waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Agoosto 2026 guddoontay warqad codsi is-casilaad ah oo ka timid Madaxweyne Ku-xigeenka dalka, Danjire Dr. Emmanuel John Nchimbi, taas oo dhaqan-gelaysa 4-ta Sebteembar 2026. Madaxweynuhu waxay aqbashay codsigaas.”

Nchimbi, oo goor sii horreysay sharraxaad ka bixiyay go’aankiisa, ayaa sheegay inuu xilka uga degayo si uu u ixtiraamo rabitaanka Madaxweyne Hassan. Wuxuu xusay ballan-qaad uu hore u sameeyay oo ahaa inuu xilka banneyn doono haddii madaxweynuhu ay doonayso qof kale oo buuxiya booska Madaxweyne Ku-xigeenka.

“Waxaan si buuxda ugu qanacsanahay in madaxweynuhu ay doonayso isbeddel,” ayuu yiri Nchimbi markii uu ka hadlayay sababta keentay is-casilaaddiisa.

Madaxtooyada Tansaaniya ayaa sidoo kale sheegtay in la guda-geli doono habraacyada dastuuriga ah ee dalka u degsan, si loo soo xusho Madaxweyne Ku-xigeen cusub oo beddela Nchimbi.

XIGASHO:TRT Afrika English