Ugu yaraan sagaal qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba haween ah, ayaa lagu dilay, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ka geysteen gobolka Waqooyiga Kordofan ee galbeedka Suudaan, sida ay Arbacadii sheegtay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan.
War ay soo saartay ayay ku sheegtay in ciidamada RSF ay weerareen dadka deggan deegaanka Al Jamama, iyagoo ku eedeeyay inay la shaqeynayeen ciidamada dowladda Suudaan.
Waxay intaas ku dartay in weerarku uu sababay barakac ballaaran, isla markaana lagu bililiqeystay suuqa deegaanka, xarun caafimaad iyo hanti kale oo rayid ah, taasoo sii xumeysay xaaladda bani’aadannimo kana hor istaagtay dadka deegaanka adeegyada aasaasiga ah.
Shabakaddu waxay cambaareysay weerarrada lagu hayo dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka, iyadoo sheegtay in dilalka, barakicinta khasabka ah iyo bililiqada ay yihiin “xadgudubyo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.”
Dagaal ba’an
Waxay ugu baaqday hoggaanka RSF inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah, kana fogaadaan bartilmaameedsiga dadka lagu eedeeyo inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda, isla markaana ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee mamnuucaya weerarrada lagu qaado dadka rayidka ah iyo kaabeyaashooda, oo ay ku jiraan xarumaha caafimaadka.
Waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay xaqiijiyaan badbaadada dadka rayidka ah ayna ka hortagaan xadgudubyo kale.
RSF weli wax war ah kama aysan soo saarin eedeymahan.
Suudaan waxaa tan iyo Abriil 2023 ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF, kaddib markii ay isku khilaafeen qorshaha lagu dhex darayo kooxda militariga ah ciidamada qalabka sida. Dagaalka ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida, isagoo dilay tobannaan kun oo qof, kuna barakiciyay ku dhowaad 13 milyan oo kale.























