| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiistii gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta hay’adaha dowladda iyo iskaashiga gobolka si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan Shir-madaxeedka dalalka ciidamadoodu ka qayb qaataan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), oo lagu wado inuu ka furmo Kampala. Waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA