Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan "hoggaamiye weyn," wuxuuna sheegay in shir-madaxeedkii NATO ee labada maalmood ka socday Ankara uu ahaa "mid aad u guulaystay."
"Waxaan hadda soo gabagabaynay shir NATO oo aad u guulaystay oo halkan Turkiga ka dhacay," ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, kaddib markii uu soo dhammaaday shir-madaxeedka NATO ee ka dhacay caasimadda Turkiga.
Trump ayaa uga mahadceliyay Erdogan martigelinta shirka.
"Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo Madaxweyne Erdogan, oo runtii ah nin weyn. Waa hoggaamiye weyn. Waa saaxiibkay, muddo dheerna saaxiib ayuu ii ahaa. Waa qof adag, lehna shakhsiyad aad u xooggan, waana sababta uu u hoggaamiyo dal guulaystay oo wanaagsan," ayuu intaas ku daray.
Shirkan ayaa isugu keenay hoggaamiyeyaasha 32-ka dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga, iyo sidoo kale xulafada muhiimka ah, si ay uga wada hadlaan awoodda difaaca Yurub, yoolalka kharashaadka difaaca ee isbahaysiga, casriyeynta ciidamada iyo sii wadidda taageerada Ukraine.
Trump ayaa sheegay inay ka wada hadleen yoolka ah in 5% wax-soo-saarka guud ee gudaha (GDP) lagu bixiyo difaaca.
Wuxuu intaas ku daray in shirkii NATO ee sanadkii hore ka dhacay Hague ay xulafadu gaareen "heshiis aan hore loo arag" oo lagu kordhinayo heerka sannadlaha ah ee kharashaadka difaaca oo laga dhigay 2% ilaa 5% wax-soo-saarka guud ee gudaha (GDP).
'Midnimo weyn ayaa laga dheehan karey shirka'
Madaxweynaha ayaa sheegay in ballanqaadkii la sameeyay sannadkii hore uu sababay in kharashaadka difaaca ee xubnaha kale ee NATO ay kordhaan ku dhowaad $150 bilyan sannadkii 2025.
"Fadhigii shaqada ee saaka, waxaan kaga wada hadalnay horumarka ay xubnaha kale ka sameeyeen gaarista yoolka 5%," ayuu yiri. "Qaar waxay si dhab ah uga jawaabeen baaqa, halka qaar kalena ay sameynayaan isbeddello waaweyn, isla markaana ay ka jawaabi doonaan baaqa."
Trump ayaa sheegay in uu jiray "midnimo weyn" intii uu shirku socday.
"Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dalalka inay dardargeliyaan qorshahooda si ay u gaaraan heerkaas sida ugu dhaqsaha badan. Heerka bartilmaameedka waa 5%, waana tirada ay ahayd inay noqoto sannado badan," ayuu intaas ku daray.
Wuxuu mar kale ammaanay shirkan, isagoo yiri: "Kani wuxuu ahaa shir aad u guulaystay. Mar kale, waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Erdogan."





















