| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra'iisul Wasaare Xamse oo Somaliland ugu baaqay inay ka laabato xiriirka Israa'iil
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Laascaanood intii lagu guda jiray munaasabadda sannad-guurada koowaad ee kasoo wareegtay aasaaska Maamulka Waqooyi Bari.
Ra'iisul Wasaare Xamse oo Somaliland ugu baaqay inay ka laabato xiriirka Israa'iil
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay hoggaanka Somaliland inay dib uga fiirsadaan jiidada cusub ee ay u weecdeen dhinaca xiriirka arrimaha dibadda, gaar ahaan xiriirka ay la sameeyeen Israa'iil, isagoo ku adkeystay in khilaafaadka Soomaalida lagu xallin karo oo keliya wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Laascaanood intii lagu guda jiray munaasabadda sannad-guurada koowaad ee kasoo wareegtay aasaaska Maamulka Waqooyi Bari.

Wuxuu halkaas ka caddeeyay in Dowladda Federaalka ay weli ku taagan tahay mabaadi'da Islaamnimada, walaaltinimada iyo Soomaalinimada, isla markaana ay diyaar u tahay in wixii qaladaad ah ee dhacay lagu saxo wada-hadal nabadeed oo miiska dushiisa ah.

Midnimada iyo xiriirka bulshada

Intii uu khudbadda jeedinayay, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin hal ummad oo aan marnaba kala maarmin.

Wuxuu xusay in magaalooyinka Laascaanood iyo Hargeysa ay labaduba yihiin magaalooyin Soomaaliyeed, isla markaana kala duwanaanshaha siyaasadeed uusan marnaba beddeli karin xiriirka qoys, qaraabo iyo walaaltinimo ee qotada dheer ee bulshada ka dhexeeya.

Dhaliisha go'aannada Somaliland

Isagoo la hadlayay dhinaca Somaliland, wuxuu sheegay in hoggaanku uu qaatay "jiho khaldan", isagoo si gaar ah u dul istaagay cilaaqaadka ay la yeesheen Israa'iil.

Wuxuu ku dooday in go'aannadaas aysan metelin aragtida guud ee shacabka Soomaaliyeed, culimada, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Muslimiinta.

Wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland inay dib uga soo laabtaan jidkaas qaladka ah, isagoo ku adkeystay in albaabka dib-u-heshiisiintu uu weli furan yahay, fursadna ay u haystaan inay ka laabtaan go'aankaas.

Baaqa tanaasulka ee Waqooyi Bari

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuu farriin dhiirrigelin ah u diray shacabka iyo maamulka Waqooyi Bari, isagoo ku boorriyay inay mudnaanta siiyaan tanaasulka, nabadda iyo xaqiiqada dhabta ah, halkii laga sii hurin lahaa dareen caadifadeed iyo kala fogaansho bulsho.

Wuxuu labada dhinacba ugu baaqay inay dib u soo nooleeyaan wada-hadalladii nabadda, ayna hawlgeliyaan guddiyadii la dhisay iyo doorkii madaxda dhaqanka si loo soo afjaro khilaafka dhiiggu ku daatay.

Gaba-gabadii, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay aaminsan tahay in Soomaalinimada iyo midnimada qaranku ay yihiin waddada keliya ee lagu gaari karo xal waara, isagoo xusay in xoojinta nabadda iyo walaaltinimadu ay tahay mid u adeegaysa danta shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan Soomaaliya.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyey Wafdi Ka Socday Golaha Sharcidejinta Bariga Afrika
Trump oo farriin adag u diray Iiraan
Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay doorka Turkiga, caalamkana u diray farriin maalgashi oo furan
Soomaaliya iyo Indonesia oo Ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Kalluumaysiga
Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Ergeyga QM oo ka wada hadlay iskaashiga cimilada iyo COP31
Safiir Hodan oo Wadahadallo Ku Saabsan Horumarinta Kaga Qeyb gashay Tokyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Aljeeriya
RW Xamse oo Gaaray Laascaanood si uu uga Qayb Galo Sanad-guurada Maamul-goboleedka Waqooyi Bari
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Furay Shir Cilmiyeedka Khariidadda Horumarinta Ganacsiga Qaranka
In Ka Badan 1,400 Qof oo Ka Barakacay Weerarkii RSF ay Ka Fulisay Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada
Wasiirka Warfaafinta oo Addis Ababa uga qayb galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda
Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay sharciga heshiiska AfCFTA
Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka Lagu Sameeyay Masjidka Al-Aqsa
Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeeray Dekedda Muqdisho, Dib-u-Eegayna Qorshayaasha Ballaarinteeda
Wasiirka Gaashaandhigga: 11 Hoggaamiye oo ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Lagu Dilay Duqeyn ka dhacday
Ugu yaraan 9 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay RSF ka geysatay Waqooyiga Kordofan
Uganda oo martigelinaysa shir-madaxeed looga arrinsanayo mustaqbalka hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee Shirka 49-aad ee Golaha Fulinta AU