Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah u fadhiya doorashada guddoomiye cusub, ka dib markii uu xilkan banneeyay guddoomiyihii hore, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo dhowaan loo doortay hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoonka ku-meel-gaarka ah ee Golaha iyo guddiga qabanqaabada doorashada ayaa si buuxda u soo dhammaystiray diyaar-garowga cod-bixinta oo lagu wado inay qabsoomto maanta oo taariikhdu tahay 10-ka Agoosto.
Mas'uuliyiinta ayaa soo gebagebeeyay dhammaan habraacyadii iyo qabanqaabadii saadka ee doorashada, taas oo isha si weyn loogu hayo maadaama ay muhiimad weyn u leedahay saaxadda siyaasadda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tagay xarunta loo diyaariyay doorashada.
Mas'uuliyiinta ayaa si dhow u qiimeeyay diyaar-garowga farsamo, nidaamka cod-bixinta, qaab-dhismeedka shaqo ee guddiga doorashada, iyo agabka loo diyaariyay xildhibaannada si ay codkooda u dhiibtaan.
Marwo Sacdiya ayaa carabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah, nidaamsan oo nabad ah. Waxay fartey mas'uuliyiinta inay xaqiijiyaan in hannaanka cod-bixintu uu si buuxda u waafaqo xeerarka iyo habraacyada u degsan Golaha Shacabka.
Shuruudaha iyo Musharrixiinta Tartamaysa
Guddiga maamulaya doorashada oo uu guddoomiye u yahay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa si rasmi ah u soo xiray diiwaangelinta musharrixiinta ka dib labo maalmood oo codsiyo la qabanayay.
Sida ku xusan xeerarka doorashada, musharrixiinta ayaa laga doonayay inay bixiyaan lacag diiwaangelin ah oo aan celis lahayn taas oo dhan $30,000, lacagtaas oo lagu shubayay xisaab-bangiga uu Golaha Shacabku ku leeyahay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Guddiga ayaa shaaciyay in labo musharrax oo keliya ay buuxiyeen shuruudihii u-qalmitaanka, isla markaana ay waqtigii loogu talagalay iska soo diiwaangeliyeen xafiiskooda Villa Hargeysa. Musharrixiintan ayaa kala ah:
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin.
Labada musharrax ayaa si rasmi ah loogu fasaxay inay ka qaybgalaan tartanka doorashada maanta.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, sababtoo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa haya mid ka mid ah jagooyinka dastuuriga ah ee ugu saamaynta badan dalka Soomaaliya, wuxuuna door udub-dhexaad ah ku leeyahay hagidda sharci-dejinta iyo la-xisaabtanka xukuumadda.
Guddoonka KMG ah iyo guddiga qabanqaabada ayaa ballan-qaaday in doorashadu ay u dhici doonto si nidaamsan, xor iyo xalaal ah, laguna soo afjari doono jawi deggen oo u qalma sharafta baarlamaanka federaalka Soomaaliya.



























