Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Pakistan, Field Marshal Syed Asim Munir.
Kulankan oo ahaa mid heerkiisu sarreeyo, ayaa diiradda lagu saaray qodobo xasaasi ah oo salka ku haya iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal iyo xaaladaha amni ee isbedbeddelaya ee gobolka.
Tayeynta ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada
Sida lagu caddeeyay warbixinno diblumaasiyadeed oo laga soo saaray kulanka, labada mas'uul ayaa lafaguray sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga.
Waxaa si gaar ah hoosta looga xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee u dhexeeya ciidamada labada dal, si looga jawaabo caqabadaha amniga ee caalamiga ah.
Wada-hadallada ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo hirgelin lahaa barnaamijyo iskaashi oo lagu tayeynayo laguna qalabeynayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in dowladda Soomaaliya ay si dhab ah uga faa'iidaysato khibradda iyo waayo-aragnimada dheer ee milatariga Pakistan uu u leeyahay la-dagaallanka argagixisada iyo xasilinta deegaannada lagu dagaallamo.
Qaddarinta Madax-bannaanida iyo Wadajirka Dhuleed
Dhinaca diblumaasiyadda, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa madasha kulanka uga gudbiyay Dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan farriin mahadcelin ah oo ku aaddan mowqifkeeda adag ee ay ku taageerto madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale bogaadiyay garab istaagga joogtada ah ee ay Pakistan u fidiso dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo dib-u-dhiska hay'adaha dowladda Soomaaliya.
Dhankiisa, Taliyaha Guud ee Ciidamada Pakistan, Field Marshal Syed Asim Munir, ayaa si adag u dib-u-xaqiijiyay in dalkiisu uu ka go'an yahay sii wadidda iyo ballaarinta taageerada istaraatiijiyadeed ee uu siiyo Soomaaliya.
Wuxuu ballanqaaday in Pakistan ay sii wadi doonto garab istaaggeeda ku aaddan dhinacyada difaaca iyo dhismaha awoodaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, arrintaas oo udub-dhexaad u ah nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga dhow ee labada waddan.























