Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii khadka taleefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, iyagoo ka wada-xaajooday arrimaha dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee Iiraan iyo dadaallada lagu raadinayo xabbad-joojin suurtagal ah, sida uu sheegay Wargeyska Axios.
Iyadoo la soo xiganayo laba ilo oo xog ogaal ah, Axios ayaa sheegtay in Trump uu dhaxal-sugaha uga warbixiyay “wadahadallo ku saabsan xabbad-joojin suurtagal ah.”
Maraykanka ayaa u diray Iiraan soo jeedin lagu soo afjarayo dagaalka iyada oo loo marayo Pakistan, iyadoo la sheegay inay ku jiraan tallaabooyin ku saabsan barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer ee Tehran, iyo sidoo kale amniga badda ee marin-biyoodka Hormuz.
Iiraan ayaa diiday inay wadahadallo toos ah la leedahay Maraykanka, iyadoo ku adkeysatay in xiriirradu ku koobnaayeen farriimo loo marayo dhexdhexaadiyayaal, isla markaana ku tilmaantay soo jeedimaha Washington mid “xad-dhaaf ah oo aan macquul ahayn.”
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa tan iyo 28-kii Febraayo fulinayay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, iyagoo dilay in ka badan 1,340 qof, sida ay sheegaan mas’uuliyiinta Iiraan.
Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun, Ciraaq iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya hantida militari ee Maraykanka.
Ugu yaraan 13 askari oo Maraykan ah ayaa la dilay tan iyo markii dagaalku billowday, sida ku cad tiro-koobka Maraykanka, dagaalka ayaana sare u qaaday qiimaha tamarta isagoo saameeyay maraakiibta maraya marin-biyoodka Hormuz, oo ah meel muhiim u ah shiidaalka caalamka, halkaas oo qayb weyn oo shixnadaha shiidaalka caalamiga ah uu maro.














