| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Dekadaha oo saxiixay heshiis lagu hirgelinayo diiwaanka maraakiibta qaranka
Wasiir Cabdulqaadir ayaa sheegay in heshiiskan uu abuuri doono fursado cusub oo maalgashi, shaqo abuur iyo kor u qaadista sumcadda calanka Soomaaliya, iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda la-hawlgalayaasha caalamiga ah.
Wasiirka Dekadaha oo saxiixay heshiis lagu hirgelinayo diiwaanka maraakiibta qaranka
Wasiirka Dekadaha oo saxiixay heshiis lagu hirgelinayo diiwaanka maraakiibta qaranka / Social Media
30 Maarso 2026

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu dhisayo diiwaan qaran oo u oggolaanaya maraakiibta inay qaataan calanka Soomaaliya.

Wasiirka oo heshiiskan la saxiixday Agaasimaha shirkadda Somali Ship Register Limited, Çağdaş Oykun Saltaș, ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid muhiim u ah casriyeynta iyo horumarinta waaxda badda ee dalka.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sheegay in heshiiskan uu abuuri doono fursado cusub oo maalgashi, shaqo abuur iyo kor u qaadista sumcadda calanka Soomaaliya, iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

Wuxuu heshiiska ku tilmaamay tallaabo istiraatiiji ah oo ay qaaday Dowladda Federaalka si loo xoojiyo maamulka badda Soomaaliya loona dhigo dalka mid ka mid ah tartamayaasha caalamiga ah ee dhinaca maraakiibta iyo howlaha badda.

XIGASHO:SONNA