Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo anshaxa iyo hufnaanta shaqada, kadib markii uu Axaddii si rasmi ah ula wareegay xilka.
Jeneraal Xaamud ayaa xilkan loo magacaabay toddobaadkii hore, isagoo beddelay Taliyihii hore Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.
Khudbaddiisii ugu horreysay, Taliyaha ayaa soo saaray amarro cadcad oo lagu adkeynayo anshaxa, isagoo si gaar ah u mamnuucay isticmaalka jaadka xilliga shaqada.
“Askari ama sarkaal kasta oo lagu qabto isagoo goobta shaqada jaad ku cunaya xilliga waajibka, ciidanka waa laga saarayaa,” ayuu yiri.
Sidoo kale, wuxuu faray saraakiisha inay shan bilood gudahood ku muujiyaan aqoontooda akhriska iyo qorista Af-Soomaaliga, isagoo xusay in kuwa ku guuldareysta laga fariisin doono shaqada.
Jeneraal Xaamud ayaa sheegay in Ciidanka Asluubtu ay tahay inay hormuud ka noqdaan anshaxa, xirfadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Wuxuu saraakiisha ku boorriyey inay ilaaliyaan sharafta ciidanka isla markaana ay hubiyaan in xuquuqda maxaabiista si buuxda loo dhowro.
Wuxuu sidoo kale adkeeyay in dhammaan xubnaha ciidanku ay si joogto ah u xirtaan dareeska rasmiga ah, raacaan xeerarka shaqada, ayna ixtiraamaan silsiladda taliska.
Taliyaha ayaa sheegay in dalacsiinta, anshax-marinta iyo howlaha ciidanka ay si toos ah ugu hoos imaan doonaan xafiiskiisa, isagoo saraakiisha sare ku boorriyey inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Caddaaladda si loo hirgeliyo isbeddel buuxa.
Jeneraal Xaamud ayaa ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono caqabadaha gudaha ee ciidanka, oo ay ka mid yihiin hagaajinta xaaladda saraakiisha, kordhinta tababarada iyo xoojinta isla-xisaabtanka.
“Hadafkeennu waa inaan dhisno ciidan xirfad leh, anshax leh, bulshadana dhexdeeda laga ixtiraamo,” ayuu yiri.


















