Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Isniintii soo saaray wareegto uu xilal ugu magacaabay saddex wasiir ku-xigeen oo cusub, kuwaas oo ku biiraya golaha wasiirrada xukuumadda.
Magacaabistan oo timid kadib wadatashi uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Madaxweynaha, ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu sheegay inay salka ku hayso baahida loo qabo in la dardargeliyo howlaha iyo waajibaadka horyaalla xukuumadda.
Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah: Xasan Maxamed Cali oo loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Nadiifa Aadam Isaaq, oo loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Ismaaciil Ciid Maxamed oo loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Wareegtada ayaa lagu faray mas’uuliyiintan cusub inay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xubnahan ugu baaqay inay mudnaanta koowaad siiyaan danta guud, kana shaqeeyaan baahiyaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Xubnahan ayaa la filayaa inay dhowaan si rasmi ah ula wareegaan xilalkooda kadib marka la dhaariyo.


















