| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Duqeyn ay RSF ka geysatay Koonfurta Kordofan ee Suudaan oo ay ku dhinteen 14 rayid ah
Laba haween ah iyo shan carruur ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarka ka dhacay magaalada Dilling, sida ay sheegeen bahda caafimaadka
Duqeyn ay RSF ka geysatay Koonfurta Kordofan ee Suudaan oo ay ku dhinteen 14 rayid ah
Ciidamo ka tirsan RSF ayaa lagu arkay goob uu Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah hoggaamiyaha kooxda, shir ku joogo magaalada Khartuum, 18-kii Juun, 2019. / Reuters
30 Maarso 2026

Ugu yaraan 14 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn madaafiic ah oo ay fuliyeen Maleeshiyada RSF ee Suudaan, sida ay sheegeen urur caafimaad oo maxalli ah.

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Axaddii ku sheegtay in laba haween ah iyo shan carruur ah ay ka mid ahaayeen dadkii ku dhintay weerarka oo Sabtidii habeenkii lagu qaaday magaalada Dilling, halka 23 kale oo ay ku jiraan toddobo carruur ah ay ku dhaawacmeen.

Waxay sheegtay in weerarku uu beegsaday xaafado rayid ah, taasoo keentay khasaare badan “iyadoo ay jiraan xaalado bani’aadannimo iyo caafimaad oo aad u adag iyo yaraanta shaqaalaha caafimaadka.”

Sida ay sheegtay kooxda, magaalada ayaa maalintii labaad si xiriir ah u wajahaysay duqeyn culus oo ay wadeen RSF iyo Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Shacabka Suudaan-Waqooyi (SPLM-N).

Magaalada Dilling ayaa muddo ka badan laba sano ku jirtay go’doon ay ku hayaan ciidamada paramilitary-ga.

Shabakadda ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka inay si degdeg ah tallaabo u qaadaan si loo joojiyo xadgudubyada RSF loona ilaaliyo rayidka Suudaan.

RSF ayaan wax jawaab ah ka bixin warbixinta.

Tan iyo Abriil 2023, ciidamada Suudaan iyo RSF ayaa ku jira dagaal la xiriira qorshe lagu doonayay in ciidamada paramilitary-ga lagu daro ciidanka qaranka.

Dagaalkaasi ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran caalamka, iyadoo tobanaan kun oo qof ay ku dhinteen ku dhowaad 13 milyan oo qofna ay barakaceen.

XIGASHO:AA