| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
RW Xamse oo Gaaray Laascaanood si uu uga Qayb Galo Sanad-guurada Maamul-goboleedka Waqooyi Bari
Booqashada Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale qayb ka ah daah-furka barnaamijyada adeegyada bulshada iyo horumarinta ee dowladda federaalku ka hirgelinayso gobolka.
RW Xamse oo Gaaray Laascaanood si uu uga Qayb Galo Sanad-guurada Maamul-goboleedka Waqooyi Bari
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Gaaray Laascaanood si uu uga Qayb Galo Sanad-guurada Maamul-goboleedka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Axaddii gaaray magaalada Laascaanood isaga iyo wafdi ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, si ay uga qayb galaan munaasabadaha loogu dabaaldegayo sanad-guurada koowaad ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyey hoggaanka gobolka, isimada dhaqanka, iyo shacabka deegaanka. Booqashadiisa ayaa sidoo kale qayb ka ah daah-furka barnaamijyada adeegyada bulshada iyo horumarinta ee dowladda federaalku ka hirgelinayso gobolka.

Isagoo la hadlayey bulshadii ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha, Ra’iisul Wasaare  Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey shacabka soo dhoweynta diirran, isaga oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kala qaybgalo xuska sanad-guurada maamulka.

Inta lagu jiro booqashada, waxaa la filayaa in dhowr wasaaradood oo federaal ah ay daah-furaan adeegyo dadweyne, halka Ra’iisul Wasaaruhuna uu ka qayb geli doono munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada koowaad ee maamulka.

XIGASHO:SONNA