| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga: 11 Hoggaamiye oo ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Lagu Dilay Duqeyn ka dhacday
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kulanka uu guddoominayay Yuusuf Ciise Kaba-Kudukade, oo ah hoggaamiyaha sare ee Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay duqeynta.
Wasiirka Gaashaandhigga: 11 Hoggaamiye oo ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Lagu Dilay Duqeyn ka dhacday
Wasiirka Gaashaandhigga oo Sheegay In Duqeyn Cirka ah Lagu Dilay 11 Hoggaamiye oo ka Tirsanaa Al-Shabaab Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in duqeyn dhinaca cirka ah lagu beegsaday meel ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsan kooxda, laguna dhaawacay afar kale.

Isagoo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Galkacyo, Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kulanka uu guddoominayay Yuusuf Ciise Kaba-Kudukade, oo ah hoggaamiyaha sare ee Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay duqeynta.

Wuxuu ku tilmaamay howlgalka inuu dhabarjab weyn ku yahay qaab-dhismeedka hoggaanka kooxda.

Wasiirku wuxuu sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada milatari ee socda ee lagu burburinayo shabakadda hoggaanka Al-Shabaab iyo xoojinta cadaadiska lagu saarayo kooxda guud ahaan dalka.

XIGASHO:SONNA