Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa Arbacadii xarunta SoDMA ku qaabilay Reena Ghelani, Agaasimaha Guud ee Plan International, iyagoo ka wada hadlay xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan saameynta sii socota ee abaaraha, khataraha la filayo ee la xiriira El Niño, iyo halista suurtagalka ah ee uu keeni karo duullaanka ayaxa saxaraha kaddib xilliga roobabka.
Labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada ka jawaabista xaaladaha bini’aadantinimo iyo u diyaargarowga musiibooyinka, si si wanaagsan loo ilaaliyo bulshooyinka nugul ee ku nool guud ahaan Soomaaliya.
Guddoomiye Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay weli wajahdo baahiyo bini’aadantinimo oo aad u waaweyn, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.
Reena Ghelani ayaa sheegtay in booqashadeedii dhowaan ay ku tagtay Baydhabo ay muujisay baahiyaha degdegga ah ee ka jira goobaha ay booqatay, waxayna adkaysay muhiimadda ay leedahay in gargaar bini’aadantinimo lagu gaarsiiyo dadka u baahan waqtigiisa.























