Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa magaalada New York uga qayb-galay shir looga hadlayay qorshaha nabadda ee Qaza, isagoo sidoo kale kulan saddex-geesood ah la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Sacuudiga iyo Suuriya, xilli uu halkaas ka socdo kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa barta ay ku leedahay baraha bulshada ee NSosyal ku shaacisay in Fidan uu ka qayb-galay fadhi cinwaankiisu ahaa “Waddada Horay Loo Qaadayo: Sannad Kaddib Baaqii New York iyo Qorshaha Nabadda ee 20-ka Qodob.” Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan nuxurka wada-hadallada.
Baaqa New York ayaa markii ugu horreysay lagu meel-mariyay shir caalami ah oo bishii Luulyo 2025 ay si wadajir ah u shir-guddoomiyeen dalalka Faransiiska iyo Sacuudiga.
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa baaqan taageeray 12-kii Sebteembar 2025, iyadoo 142 dal ay u codeeyeen, 10 diideen, halka 12 kalena ay ka aamuseen.
Isla bishaas, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay qorshihiisa ka kooban 20-ka qodob, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu soo afjaro dagaalka Qaza, dagaalka xasuuqa ah ee Israa'iil laguna yagleelo nabad waarta.
Kulanka Sacuudiga iyo Suuriya
Dhinaca kale, Wasiir Fidan ayaa xarunta diblumaasiyadda Turkiga ee New York Turkevi ku martigeliyay kulan saddex-geesood ah oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibani, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud.
Mas'uuliyiinta Turkiga ayaan ilaa hadda soo bandhigin tafaasiil ku saabsan qodobada laga wada-hadlay iyo natiijada kulankan.
Kulammadan diblumaasiyadeed ayaa imanaya xilli uu weli socdo dagaalka iyo duqeymaha ay Israa'iil ka waddo marinka Qaza.
In kasta oo bishii Oktoobar 2025 lagu dhawaaqay xabbad-joojin uu Maraykanku garwadeen ka yahay, haddana weerarrada dhowaan dhacay ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 1,400 oo qof, iyadoo ilaa 5,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Guud ahaan, tan iyo Oktoobar 2023, Israa'iil ayaa dagaalkeeda dabar-goynta ah ku dishay ku dhawaad 74,000 oo Falastiiniyiin ah, iyadoo dhaawacday in ka badan 174,000 oo kale, waxa ayna burburisay boqolkiiba 90 kaabayaashii dhaqaalaha iyo nololeed ee marinka Qaza.























