| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan ciidamada si looga guuleysto cadowga.
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo S/Gaas Odowaa Yusuf Raage. / User Upload

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidamada qaranka ay u diyaargaroobeen in ay bilaabaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo in lagu xoreeyo degmooyin iyo deegaano muhiim ah.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar Maxamed, oo u waramaya warbaahinta qaranka ee Soomaaliyeed, SNTV ee barnaamijka kulanka todobaadka, ayaa sheegay in maalmaha soo socda shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan "war ay ku farxaan." Wuxuu tilmaamay in diyaar-garowga ugu weyn uu ka socdo gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, iyo Galgaduud.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan ciidamada si looga guuleysto cadowga.

Ciidamada oo kormeer iyo howlgallo ka wada gobollada

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xilli saraakiisha sare ee ciidamada ay kormeer iyo howlgallo ka wadaan gobollada dalka.

Shabeellaha Hoose: Ciidamada Kumaandooska ee Gorgor ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Cumar Beere iyo nawaaxigiisa, waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka ay maraan dadka shacabka ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawa Yuusuf Raage, ayaa sidoo kale booqday deegaanka Bariire ee gobolkaas oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab, halkaas oo uu ku bogaadiyay ciidamada sida ay u shaqeeyeen.

Galgaduud: Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday degmada Ceeldheer si uu ula kulmo ciidamada qaranka iyo in uu dhiirigeliyo. Waxa uu kormeeray difaacyada hore ee ciidamada, isagoo ku boorriyay in la sii wado howlgallada.

Booqashooyinka saraakiisha ee gobollada waxay muujinayaan sida dowladda ay uga go'an tahay in lagu guuleysto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo la xoreynayo dhulka ay wali gacanta ku hayaan.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Soomaaliya: Adeegsiga kaarka aqoonsiga ee safarrada gudaha oo si rasmi ah loo hirgeliyay
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Islamabad: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis dhanka Fiisaha ah
Madaxweynaha Tansaaniya oo Magacawday Ra’iisul Wasaare cusub
Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada
Soomaaliya: Xil-wareejin rasmi ah oo ka dhacday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Baarlamaanka Jabuuti oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee murashaxa madaxweynaha
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey