| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada
Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay amartay shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda inay ka baxaan Maali sababo la xiriira khataro amni.
Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maali, Abdoulaye Diop, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau / Reuters

Sida uu sheegay Christopher Landau, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, diblomaasiyiin ka socda labada dal ayaa ka wada hadlay danaha amniga ee gobolka.

Talaadadii, Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa sheegay inuu la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maali, Abdoulaye Diop, si ay uga wada hadlaan danaha amniga ee ay wadaagaan ee gobolka.

Landau ayaa bartiisa X ku soo qoray in Mareykanku uu bogaadinayo dagaalka ciidamada qalabka sida ee Maali ay kula jiraan kooxda argagixisada ah ee Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).

Horraantii bishii Sebteembar, kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida (JNIM) ayaa ku dhawaaqday go'doon saaran shidaalka laga keeno dalkaas Galbeedka Afrika ee aan badda lahayn.

Kooxda ayaa tan iyo xilligaas weerartay kolonyooyin booyado shidaal ah oo isku dayayay inay dalka soo galaan ama gaaraan caasimadda, Bamako.

Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay amartay shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda inay ka baxaan Maali sababo la xiriira khataro amni.

Go'doominta shidaalka ee argagixisada oo socotay muddo laba bilood ah ayaa gabi ahaanba curyaamisay caasimadda Maali.

Kooxdu waxay bilihii la soo dhaafay ka howlgaleysay meel 50 km (30 mayl) u jirta Bamako, balse hadda uma muuqato inay leedahay ujeeddo ama awood militari oo ay kula wareegto magaaladaas 4-ta milyan ah, oo ay si kooban u weerartay sannadkii hore.

XIGASHO:TRT Afrika
Raadi Warar Kale
Soomaaliya: Adeegsiga kaarka aqoonsiga ee safarrada gudaha oo si rasmi ah loo hirgeliyay
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Islamabad: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis dhanka Fiisaha ah
Madaxweynaha Tansaaniya oo Magacawday Ra’iisul Wasaare cusub
Soomaaliya: Xil-wareejin rasmi ah oo ka dhacday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Baarlamaanka Jabuuti oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee murashaxa madaxweynaha
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey