| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Sida ku cad go'aan rasmi ah oo ka soo baxay guddiga, diiwaangelinta ayaa furan muddo labo toddobaad ah, oo ka bilaabanaysa 23-ka Agoosto 2025, kuna eg 6-da Sebteembar 2025.
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda / User Upload

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay inuu dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda ee dalka, tallaabadaas oo loogu talagalay in lagu ballaariyo ka qaybgalka siyaasadeed ee muwaadiniinta ka hor doorashooyinka deegaanka ee la filayo.

Sida ku cad go'aan rasmi ah oo ka soo baxay guddiga, diiwaangelintu waxay furan tahay muddo laba toddobaad ah, laga bilaabo 23-ka Agoosto 2025, illaa 6-da Sebteembar 2025.

Go'aankan oo ka soo baxay kulan ay xubnaha Guddigu ku yeesheen xaruntooda dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa saxiixay Kusimaha Guddoomiyaha GMDQS, Maxamed Amiin Xasan.

Go'aankan ayaa fursad qaali ah siinaya dhammaan ururradii siyaasadeed ee aan u suurtogelin inay isdiiwaan-geliyaan wajigii koowaad ee hore u soo xirmay.

Guddiga ayaa go'aankan cusub u cuskaday qodobo dhowr ah oo dastuurka iyo sharciyada dalka ku xusan, oo ay ka mid yihiin Qodobka 21-aad ee Dastuurka Federaalka oo dammaanad qaadaya xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta, iyo sidoo kale xeerarka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go'aanku uu sidoo kale ka dhashay "codsiyo isdaba-joog ah oo ka imaanayay daneeyaasha doorashooyinka," kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka dhasheen kulan wadatashi ah oo uu guddigu hore ula yeeshay ururrada siyaasadda.

Waxaa intaas dheer, guddigu wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka, oo noqonaysa tii ugu horreysay ee dalka ka qabsoonta muddo 56 sano ah, taas oo kobcinaysa dimuqraadiyadda dalka.

Waxaa xusid mudan in wajigii koowaad ee diiwaangelinta ururrada siyaasadda uu soo xirmay 14-kii May 2025.

Muddadii u dhaxaysay 20-kii Janaayo ilaa 14-kii May, Guddiga Doorashooyinka wuxuu diiwaan-geliyay oo shahaadooyin siiyay 43 urur siyaasadeed.

Guddigu wuxuu ugu dambayn ku booriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ku biiraan ururrada siyaasadeed si ay uga faa'iideystaan xuquuqdooda dastuuriga ah.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Soomaaliya: Adeegsiga kaarka aqoonsiga ee safarrada gudaha oo si rasmi ah loo hirgeliyay
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Islamabad: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis dhanka Fiisaha ah
Madaxweynaha Tansaaniya oo Magacawday Ra’iisul Wasaare cusub
Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada
Soomaaliya: Xil-wareejin rasmi ah oo ka dhacday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Baarlamaanka Jabuuti oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee murashaxa madaxweynaha
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey