| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay in laga bilaabo sanadka soo socda, Israaiil laga saari doono kulliyaddan, oo tababartay saraakiil sarsare iyo mas’uuliyiin ka kala socda daafaha adduunka tan iyo sanadkii 1927.
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Boqortooyada Midowday ayaa Israaiiliyiinta ka joojisay Kulliyaddeeda Daraasaadka Difaaca (Royal College of Defence Studies). / Reuters

Afhayeen u hadlay ciidanka Israaiil ayaa sheegay in go'aankani yahay mid "takoorid ah" isla markaana ay dowladdu go'aansatay inay ka joojiso gelitaanka akadeemiyaddaas.

Boqortooyada Midowday ee UK ma aqbali doonto mar dambe in Israaiiliyiintu ay ku biiraan mid ka mid ah akadeemiyadaheeda difaaca ee ugu magaca weyn, Kulliyadda Boqortooyada ee Daraasaadka Difaaca (Royal College of Defence Studies), iyadoo sabab uga dhigtay gumaadka ay Israaiil ka waddo Qaza, sida uu warinayo wargeyska The Telegraph.

Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay in laga bilaabo sanadka soo socda, Israa’iil laga saari doono kulliyaddan, oo tababartay saraakiil sarsare iyo mas’uuliyiin ka kala socda daafaha adduunka tan iyo sanadkii 1927.

Go'aankan ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Israaiiliyiinta laga mamnuuco xaruntan, oo lagu aasaasay aragtidii Winston Churchill ee ahayd in la kobciyo isfahamka caalamiga ah ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha millitariga iyo kuwa rayidka ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in ficillada Israaiil ee Qaza ay yihiin "kuwo qaldan," isla markaana ay dowladdu go'aansatay inay natiijadaas darteed ka joojiso gelitaanka kulliyaddan.

Tallaabadan ayaa dhalisay dhaleecayn kulul oo ka timid Israa’iil. Amir Baram, oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Difaaca Israaiil isla markaana ka soo qalin-jabiyay kulliyaddan, ayaa ku tilmaamay "fal sharaf-dhac weyn ah oo ka dhan ah daacadnimadii loo hayay xulafo dagaal ku jira."

Warqad uu u diray Wasaaradda Difaaca ee UK, Baram wuxuu go'aanka ku sifeeyay "fal takoorid ah" iyo "jabin ceeb ah oo lagu sameeyay dhaqankii sharafta lahaa ee Ingiriiska ee ku dhisnaa isku-dulqaadashada iyo hufnaanta."

Israa’iil waxay tan iyo Oktoobar 2023, xasuuqa ay ka waddo Qaza ku dishay ku dhowaad 65,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur.

Waxay sidoo kale burburisay inta badan dhulka go'doonsan, waxayna si dhab ah u barakicisay dhammaan dadkii ku noolaa.

XIGASHO:TRT World
Raadi Warar Kale
Soomaaliya: Adeegsiga kaarka aqoonsiga ee safarrada gudaha oo si rasmi ah loo hirgeliyay
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Islamabad: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis dhanka Fiisaha ah
Madaxweynaha Tansaaniya oo Magacawday Ra’iisul Wasaare cusub
Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada
Soomaaliya: Xil-wareejin rasmi ah oo ka dhacday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Baarlamaanka Jabuuti oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee murashaxa madaxweynaha
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey