| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Baarlamaanka Chad oo ansixiyay wax-ka-beddel dastuuri ah oo muddo xileedka madaxweynaha gaarsiinaya todobo sano.
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Madaxweynaha Chad Mahamat Idriss Deby. / AFP

Golaha Qaranka ee dalka Jaad ayaa ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka, kaasoo muddo xileedka madaxweynaha ka dhigaya todobo sano halkii ay markii hore ka ahayd shan sano.

Wax-ka-beddelka ayaa sidoo kale meesha ka saaraya xaddidaadda tirada inta jeer ee uu madaxweyne isu soo sharxi karo xilka.

Madaxweyne Mahamat Idriss Deby wuxuu awoodda la wareegay sannadkii 2021 kadib markii aabbihiis, hoggaamiyihii muddada dheer xukumayey dalkaasi ee Idriss Deby, la dilay isagoo booqanaya askar kula dagaallamaysay kooxo hubeysan waqooyiga dalka.

Mahamat Deby wuxuu markii dambe ku guuleystay xilka madaxweynaha doorasho dhacday bishii Maayo 2024, taasoo timid ka dib saddex sano oo xukun militari ah.

Doorashooyinka baarlamaanka ayaa la qabtay bishii Diseembar, iyadoo kuraasta badankood uu ku guuleystay xisbiga talada hayya.

Dastuurka cusub ayaa Isniintii laga ansixiyay Golaha Qaranka, wuxuuna hadda sugayaa go'aanka kama dambaysta ah ee Aqalka Sare oo la filayo 13-ka Oktoobar.

Guddoomiyaha Golaha Qaranka, Ali Kolotou Tchaimi, ayaa warbaahinta u sheegay in wax-ka-beddelka lagu ansixiyay 171 cod oo oggol ah, hal qof oo ka aamusay, halka aysan cidina diidin.

Haddii Aqalka Sare uu meelmariyo sharcigan 13-ka Oktoobar, waxaa la filayaa in Madaxweyne Deby uu saxiixo si uu u dhaqan galo.

XIGASHO:Reuters
Raadi Warar Kale
Soomaaliya: Adeegsiga kaarka aqoonsiga ee safarrada gudaha oo si rasmi ah loo hirgeliyay
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Islamabad: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis dhanka Fiisaha ah
Madaxweynaha Tansaaniya oo Magacawday Ra’iisul Wasaare cusub
Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada
Soomaaliya: Xil-wareejin rasmi ah oo ka dhacday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Baarlamaanka Jabuuti oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee murashaxa madaxweynaha
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey