Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ee Soomaaliya, oo kaashaneysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ka fulisay laba howlgal oo qorsheysan oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay laba xubnood oo kooxda ka tirsan, halka saddex kalena lagu dhaawacay dhaawacyo culus.
Howlgalkii koowaad oo dhacay 10-kii Nofeembar, inta u dhexeysa tuulooyinka Kheyraanle iyo Butaale, ayaa lagu dilay Ismaaciil, oo lagu sheegay mas’uulka maaliyadda Al-Shabaab ee deegaanka Aboorey, iyo Makaraan, oo ahaa darawalka horjoogaha kooxda ee degmada Maxaas.
Howlgalka ayaa sidoo kale dhaawac culus lagu gaarsiiyay Cabdiraxmaan Cosobow, oo lagu sheegay horjoogaha Al-Shabaab ee degmada Maxaas. Waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaari nooca Toyota Noah ah iyo 50 xabbadood oo rasaas ah.
Howlgalkii labaad oo la fuliyay 16-kii Nofeembar, kana dhacay degmada Moqokori, ayaa lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaddib markii xog sirdoon lagu xaqiijiyay goobta ay ku sugnaayeen.
Howlgalkaas ayaa dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay laba horjooge oo lagu kala magacaabo Bilaal, oo mas’uul ka ahaa howlaha baadda ee kooxda, iyo Mahad, oo ka tirsanaa qeybta kooxda u qaabilsan falalka kharbudaadda.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo xubnaha Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodda kooxda loogana hortago khataraha ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.























