Roobab xooggan iyo fatahaado ayaa barakiciyay 168 qoys, waxayna burburiyeen ama waxyeelleeyeen 271 guri degmada Abu Kershola ee gobolka Koonfurta Kordofan ee Suudaan, sida ay Khamiistii sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
War-saxaafadeed ay soo saartay IOM ayaa lagu sheegay in roobabka iyo fatahaaduhu ay qoysaska ku qasbeen inay ka qaxaan ku dhowaad 10 tuulo oo ku yaalla degmadaas.
Kooxaha hay’adda ee goobta ayaa sheegay in 138 guri si buuxda u burbureen, halka 133 guri oo kalena qayb ahaan waxyeelloobeen.
Qoysaska barakacay ayaa hoy ka dhigtay goobo ku-meel-gaar ah oo bannaan oo ku yaalla isla degmada, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.
Suudaan waxaa caadi ahaan ka da’a roobab xooggan xilliga dayrta oo u dhexeeya Juun iyo Oktoobar, kuwaas oo sababa fatahaado ka dhaca qaybo kala duwan oo dalka ah.
Saameynta roobabka iyo fatahaadaha ayaa ku soo beegmaysa xilli Suudaan ay weli la tacaalayso dagaalka u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), kaas oo billowday bishii Abriil 2023, isla markaana xaddiday awoodda dalka ee wax ka qabashada musiibooyinka noocan ah.
Dagaalka ayaa dilay tobannaan kun oo qof, barakiciyay ku dhowaad 13 milyan, wuxuuna sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida.




















