Kulan aqoon iyo waayo-aragnimo wadaag ah ayaa ka furmay magaalada Arusha ee Tanzania, kaas oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin sare oo Soomaaliyeed, si loo xoojiyo bixinta adeegyada dadweynaha loona dardargeliyo hirgelinta mudnaanta horumarinta iyo isbeddelka qaranka.
Agaasimayaal sare oo ka socda wasaaradaha iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Cabdirisaaq Ibraahim, ayaa ka qaybgalaya kulamada.
Wadahadallada ayaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed siinaya fursad ay uga faa’iideystaan waayo-aragnimada gobolka ee dhinacyada waxqabadka dowladda, isla xisaabtanka, isbeddelka dijitaalka ah, go’aan-qaadashada ku saleysan xogta iyo adeegsiga cilmi-baarista ee dejinta siyaasadaha dhaqaalaha.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo waxqabadka iyo waxtarka wasaaradaha iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, si ay si hufan ugu hirgeliyaan mudnaanta qaranka.




















