Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Boqortooyada Ingiriiska ee Horumarinta Caalamiga ah iyo Afrika, Kirsty McNeill.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta ay wadaagaan labada dal iyo arrimaha ay danaha wadajirka ah ka leeyihiin, iyo sidoo kale fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska.
SHEEKOOYIN KALE
Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u qiimeeya Boqortooyada Ingiriiska oo ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala shaqeeya horumarka dalka.
XIGASHO:SONNA



















