Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa si rasmi ah u daahfuray Qorshe-Hawleedka Horumarinta Nidaamka Cabbirka, Warbixinta iyo Xaqiijinta (MRV) ee Soomaaliya, munaasabad lagu qabtay Xarunta Bandhigga Soomaaliya ee Shirweynaha COP31, oo ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga.
Qorshe-hawleedkan ayaa loogu talagalay xoojinta daahfurnaanta xogta la xiriirta isbeddelka cimilada, la socodka horumarka laga gaarayo hirgelinta Qorshaha Saddexaad ee Wax-ku-biirinta Qaran ee La Go'aamiyay (NDC 3.0) ee Soomaaliya, hagaajinta warbixinnada ku saabsan qiiqa gaasaska aqalka dhirta lagu koriyo iyo kor u qaadista awoodda dalka ee fulinta ballanqaadyada ka saaran Heshiiska Paris ee Isbeddelka Cimilada.
Qorshe-hawleedkan ayaa sidoo kale looga gol leeyahay xoojinta awoodda Soomaaliya ee soo jiidashada iyo helitaanka maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimilada.























