Maxkamad ku taalla dalka Suudaan ayaa xukun dil ah ku ridday taliyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Dagalo oo loo yaqaan Xemedti, iyo 13 qof oo kale, iyagoo maqan, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira bililiqeynta iyo burburinta xarumaha sahayda caafimaadka intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaas, sida ay Arbacadii baahiyeen warbaahinta Suudaan.
Maxkamadda La-dagaallanka Argagixisada iyo Dambiyada ka dhanka ah Dowladda ee magaalada Port Sudan ayaa xukunnada dilka ah ee daldalaadda ku ridday Xemedti, walaalihiis Cabdiraxiim iyo Al-Qooni Dagalo, iyo 11 eedeysane oo kale, sida uu sheegay mareegta wararka ee Al-Mashhad Al-Sudani.
Eedeysanayaasha ayaa lagu helay dambiyo la xiriira kiis ku saabsan bililiqeynta iyo burburinta dhismayaal, bakhaarro iyo xarumo kale oo ay leedahay Sanduuqa Qaranka ee Sahayda Caafimaadka.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay eedeysanayaasha inay sanduuqa ka magdhabaan khasaaraha iyo burburka loo geystay, kaas oo lagu qiyaasay in ka badan 396 milyan oo doolar, sida lagu sheegay warbixinta.
Xukunka ayaa sidoo kale amray in lala wareego hantida eedeysanayaasha, waxaana qof kasta oo la xukumay lagu soo rogay ganaax lacageed oo dhan 100 milyan oo giniga Suudaan ah, una dhiganta 166,000 oo doolar.
Maxkamadda ayaa baaritaan ku sameysay eedeymo la xiriira waxyeello loo geystay xarumaha sahayda caafimaadka ee dhowr deegaan oo Suudaan ka tirsan, oo ay ku jiraan Khartuum, Al-Jaziira, Sennar, Kordofan iyo Daarfuur.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku talisay in lagala noqdo baasaboorradooda iyo dhalashadooda.
Dhammaan 14-ka eedeysane ayaa la maxkamadeeyay iyagoo aan goobta joogin.
Xukunkii ugu dambeeyay ayaa yimid bilo kadib markii isla maxkamaddan ay Xemedti iyo 15 qof oo kale ku xukuntay dil iyagoo maqan, kiis kale oo la xiriiray dilkii Guddoomiyihii hore ee Galbeedka Daarfuur, Khamiis Cabdalla Abakar, bishii Juun 2023.
Xukunkii dhacay 12-kii Luulyo, maxkamadda ayaa eedeysanayaasha ku heshay dambiyo ay ka mid yihiin dambiyada dagaalka, dambiyada ka dhanka ah aadanaha iyo xasuuqa.
Abakar ayaa la dilay 14-kii Juun 2023, kadib markii uu Ciidamada RSF ku eedeeyay inay weerarro ku qaadeen dadka rayidka ah ee ku nool magaalada El Geneina, oo ah caasimadda Galbeedka Daarfuur. Dowladda Suudaan ayaa kooxda hubeysan ku eedeysay inay dishay Abakar isla markaana ay jirkiisa dhaawacyo iyo googo' u geysatay, eedeymahaas oo ay RSF xilligaas beenisay.
Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii sheegay in in ka badan 2,230 qof oo rayid ah lagu dilay Suudaan intii u dhexeysay Janaayo iyo Oktoobar 2026, kuwaas oo in ka badan 1,630 ay ku dhinteen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Suudaan ayaa waxaa ka socday dagaal tan iyo 15-kii Abriil 2023, markaas oo uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada milateriga iyo RSF, kadib khilaaf ka dhashay qorshaha lagu doonayay in ciidamada RSF lagu daro milateriga rasmiga ah ee dalka. Dagaalka ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida, iyadoo malaayiin qof ay wajahayaan gabaabsi ba'an oo dhanka cuntada, daawooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah.























