Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, ayaa booqasho ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Riyaad, halkaas oo uu kula kulmay Duqa Magaalada Riyaad, Amiir Dr. Faysal bin Cabdulcasiis bin Cayyaaf.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada caasimadood ee Muqdisho iyo Riyaad, oo ay ku jiraan fursadaha lagu dhisi karo iskaashi mataaneyn magaalooyin ah oo u dhexeeya labada magaalo.
Intii uu kulanku socday, Safiirka ayaa Duqa Magaalada Riyaad gaarsiiyay salaan uu uga siday dhiggiisa magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Safiirka ayaa uga mahadceliyay Duqa Magaalada Riyaad soo dhaweynta diirran iyo kulanka miro-dhalka ah. Labada dhinac ayaa isku raacay inay sii wadaan kulamada noocan oo kale ah, si loo sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada caasimadood.























