| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka Lagu Sameeyay Masjidka Al-Aqsa
Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah isla markaana ay xaqiijiyaan isla-xisaabtan.
Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka Lagu Sameeyay Masjidka Al-Aqsa
Soomaaliya oo Cambaareysay Xadgudubka Lagu Sameeyay Masjidka Al-Aqsa

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka iyo ku xadgudubka Masjidka Al-Aqsa ee uu hoggaaminayay mas'uul Israa'iili ah oo ay wehliyeen kooxo xagjir ah iyo ciidamada amniga Israa'iil.

Bayaan ay soo saartay ayey ku sheegtay in falkani uu ka dhigan yahay xadgudub weyn oo lagu sameeyay xurmada mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka, isla markaana meel ka dhac ku ah Muslimiinta dunida oo dhan.

Iyadoo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go'an tahay difaaca shacabka Falastiin iyo ilaalinta xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee goobaha barakaysan ee diimaha ku yaalla Qudus. Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah isla markaana ay xaqiijiyaan isla-xisaabtan.

Soomaaliya ayaa ugu baaqaysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn ayna ku dadaalaan wada-hadal wax ku ool ah oo lagu gaarayo nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo salka ku haysa sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa muujisay inay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda sharciyeysan ee ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay inay taageersan tahay xalka labada dowladood oo ah waddada keliya ee lagu gaari karo nabad waarta, amni iyo xasillooni Bariga Dhexe.

XIGASHO:SONNA