Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Axmed Jumca Maxamed Xatbuur Al-Rumeythi, ku amartay inuu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood, iyadoo sidoo kale dib ugu yeertay safiirkeeda Abu Dhabi, Xuseen Cabdi Xalane, si wadatashi loola yeesho madaxda dalka.
Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, kaddib shirkii Golaha Wasiirrada ee uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in goluhu uu go’aannadan qaatay kaddib markii uu ka dooday warbixin ku saabsan faragelinta ay dowladdu ku eedeysay Imaaraadka.
Golaha Wasiirrada ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu ku xadgudbay madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku difaaceyso qarannimadeeda.
“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa tallaabooyin kala duwan, iyadoo adeegsaneysa dhammaan hababka suurtagalka ah, si ay isaga difaacdo gardarrada qaawan ee dowladda Imaaraadku ku hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, wadajirka shacabka, amniga gudaha iyo xorriyadda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale lagu amray inay dowladaha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah la wadaagto warbixin ku saabsan eedeymaha loo jeediyay Imaaraadka.
Dowladda ayaa digniin u dirtay cid kasta oo ay ku eedeyso inay Imaaraadka kala shaqeyneyso falal wax u dhimaya madax-bannaanida iyo amniga Soomaaliya, iyadoo sheegtay in tallaabooyin laga qaadi doono.
Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa sii xoogeysatay kaddib khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horraantii toddobaadkan ku eedeeyay Imaaraadka faragelin siyaasadeed iyo taageeridda ciidamo ka baxsan taliska dowladda federaalka.
Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday tan iyo bishii Janaayo, markaas oo Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay joojisay heshiisyadii ay Imaaraadka kula jirtay ee la xiriiray dekedaha, difaaca iyo iskaashiga amniga.























