Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhaqan-galka Heshiiskii 2023 ee lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay 16-kii Nofeembar 2026. Wasaaradda ayaa hambalyo u dirtay dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo Xoghaynta ururka, iyadoo ku bogaadisay guushan muhiimka ah.
Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii aasaasay ururka ayaa munaasabaddan ku xustay 40 sano oo iskaashi goboleed ah, tan iyo markii la aasaasay IGADD sannadkii 1986. Ansixintii Soomaaliya ee heshiiska bishii Janaayo 2026 ayaa suuragelisay in la gaaro tiradii ansixinnada ee looga baahnaa inuu heshiisku dhaqan galo.
Heshiiskan ayaa xoojinaya qaab-dhismeedka sharci iyo hay’adeed ee IGAD, isagoo sidoo kale adkeynaya ballanqaadka wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah ee ku aaddan nabadda, amniga, isdhexgalka dhaqaalaha iyo horumarka waara.
Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed, is-ixtiraamka iyo wadajirka gobolka, iyadoo muujisay diyaar-garowgeeda ku aaddan inay dalalka kale ee xubnaha ka ah kala shaqeyso hirgelinta buuxda ee heshiiska. Wasaaradda ayaa sidoo kale bogaadisay Xoghaynta IGAD, oo uu hoggaamiyo Xoghayaha Fulinta Dr. Workneh Gebeyehu, dadaallada ay ku horumarineyso waajibaadka ururka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dhismaha IGAD ka xooggan, waxtar badan oo mideysan, kana shaqeeya danaha shacabka ku nool gobolka.























