| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Baarlamaanka Soomaaliya oo akhrinta koowaad marsiiyay dhismaha Golaha Culimada
Golaha Culimada ayaa la filayaa inuu door ka qaato wacyigelinta bulshada, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo ka-hortagga afkaaraha xagjirka ah iyo fasiraadaha marin-habaabinta ah ee diinta
Baarlamaanka Soomaaliya oo akhrinta koowaad marsiiyay dhismaha Golaha Culimada
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali / SONNA

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta koowaad marsiiyay hindise-sharciyeedka lagu dhisayo Golaha Culimada Soomaaliyeed, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Hindise-sharciyeedka ayaa la horgeeyay fadhigii lixaad ee kalfadhiga siddeedaad ee Golaha Shacabka, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyadoo uu wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo Golaha hor-tagay, ayaa xildhibaannada u sharraxay ujeeddooyinka hindise-sharciyeedka, isagoo sheegay in lagu doonayo in la dhiso gole qaran oo sharciyeysan oo ay ku mideysan yihiin culimada Soomaaliyeed.

Sida uu sheegay wasiirku, Golaha Culimada ayaa la filayaa inuu door ka qaato wacyigelinta bulshada, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo ka-hortagga afkaaraha xagjirka ah iyo fasiraadaha marin-habaabinta ah ee diinta.

Wasiir Roobow ayaa sidoo kale sheegay in golaha la qorsheynayo uu xoojin doono wada-tashiga iyo iskaashiga u dhexeeya culimada Soomaaliyeed iyo hay'adaha dowladda.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Wasiiru-dowlaha iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Agaasimaha Guud, la-taliyeyaal iyo culimo qayb ka ahayd diyaarinta hindise-sharciyeedka.

Hindise-sharciyeedka ayaa hadda maraya hannaanka sharci-dejinta ee Baarlamaanka, iyadoo akhrinta koowaad ay tahay marxaladda ugu horreysa ee doodda iyo ansixinta hindisaha.

XIGASHO:TRT SOMALI