Taliyaha Ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay inuu u tartami doono xilka madaxweynaha doorashada la filayo inay dhacdo sannadka 2031.
Kainerugaba, oo 52 jir ah, ayaa qoraallo uu Talaadadii ku baahiyay bartiisa X, ku sheegay inuu filayo inuu doorashada ku guuleysto aqlabiyad ballaaran.
“Waxaan isu sharixi doonaa xafiiska ugu sarreeya dalka sannadka 2031. Waanna ku guuleysan doonnaa fadliga Ilaaha awoodda leh,” ayuu yiri Kainerugaba, oo muddo dheer loo arkayay inuu ka mid yahay dadka suurtagalka ah ee beddeli kara aabbihii.
Wuxuu intaas ku daray inuu aaminsan yahay inuu heli doono 90% codadka doorashada 2031.
Kainerugaba ayaa hoggaamiya dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Patriotic League of Uganda.
Wuxuu hore u sheegay inuu u tartami doono doorashadii madaxtinimada ee Janaayo 2026, balse markii dambe wuu ka laabtay qorshahaas.
Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, hoggaamiyana xisbiga talada haya ee Dhaqdhaqaaqa Iska-caabbinta Qaranka (NRM), ayaa Uganda xukumayay tan iyo 1986. Wuxuu ku guuleystay muddo-xileedkiisii toddobaad doorashadii Janaayo 2026.
Dhanka mucaaradka, Bobi Wine ayaa horraantii sannadkan u qaxay Maraykanka, isagoo sheegay inuu naftiisa u baqayo.
Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee mucaaradka, Kizza Besigye, ayaa isna xiran tan iyo 2024, isagoo wajahaya eedeymo la xiriira khiyaano qaran.
Markii la weydiiyay in Museveni uu mar kale tartami doono iyo in kale, afhayeenka dowladda Alan Kasujja ayaa Reuters u sheegay in madaxweynaha iyo xisbigiisu ay go’aankaas gaari doonaan “marka la gaaro waqtiga ku habboon.”




















