Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Arbacadii ka qayb galay furitaanka shir heer wasiir ah oo ku saabsan Qudus, kaas oo Boqortooyada Haashimiyiinta ee Urdun ay ku martigelisay caasimadda Cammaan.
Shirka ayaa waxaa isugu yimid wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka si ay uga wada hadlaan xaaladda Qudus iyo Dhulka Falastiin ee la haysto, iyadoo ujeeddadu tahay in la isku waafajiyo mowqif mideysan oo ku aaddan arrintaas.
Intii uu shirku socday, Wasiir Cabdisalaam ayaa kulamo laba geesood ah la yeeshay dhowr ka mid ah dhiggiisa, isagoo mar kale xaqiijiyey taageerada aan leexleexadka lahayn ee Soomaaliya ay u hayso shacabka Falastiin, isla markaana carrabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dalalka Carabta iyo Islaamka ee arrimaha ay danaha ka wadaaggaan.























