doomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Isniintii kormeer ku tagay xarunta Baarlamaanka, halkaas oo ay ka socdaan howlo lagu rakibayo qalab elektaroonig ah oo casri ah, kaas oo loogu talagalay horumarinta maamulka fadhiyada Baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in adeegsiga qalabkan cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hufnaanta howlaha Baarlamaanka, maamulka doodaha iyo codeynta, isla markaana lagu xaqiijinayo habsami u socodka fadhiyada.
SHEEKOOYIN KALE
Casriyeyntan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayada go’aan-qaadashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
XIGASHO:SONNA























